Guddoomiyaha G. Banaadir oo la kulmay wakiilka M. Afrika ee Soomaaliya (Sawiro)

759

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wakiilka gaarka ah Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ambassador Francisco Caetano Jose Madeira.

Kulanka dhexmaray labadaasi mas’uul oo ay goobjoog ka ahaayeen xubno kale oo ka socday dhinaca howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM iyo maamulka Gobalka Banaadir ayaa la sheegay in looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin ammaanka magaalada caasimadda ah ee Muqdisho iyo sidii AMISOM ay u dardar-galin lahayd wareejinta iyo ka bixitaanka garoonka kubadda cagta ee Stadium Muqdisho.

“Waxaan xafiska ku qaabilay Amb Madeira waxaana kawada hadalnay amniga Muqdishu & sidii loo dedejinlahaa wareejinta garoonka k/cagta Muqdisho” ayuu ku yiri Thaabit Cabdi Maxamed, guddoomiyaha Gobalka Banaadir warkooban oo uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka.

 

SHARE