Muqdisho (UM) – Waxaa xalay lagu qabtay magaalada Muqdisho munaasabad ay xil wareejin ah oo Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed in xilka ugu wareejinayay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarrisow) kaasi oo uu Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya dhawaan u magacaabay xilka Gudddomiyaha Gobolka Banaadir.
Munaasabadda xil wareejinta ayaa waxa ka qeybgakay Kusimaha Madaxweynaha, ahna Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Golaha Shacabka Cabdiweli Sheekh Muudeey, wasiiro, xildhibaano, qaar ka mid ah madaxda Maamul Gobolleedka dalka, safiiro uu ka mid yahay danjiraha Turkiga iyo qeybaha bulshada Gobolka Banaadir.
Guddoomiye Thaabit iyo ku xigeenadiisa ayaa xilka ku wareejiyay Gudddomiyaha cusub iyo ku xigeenadiisa iyaduu goobjoog ka ahaa Wasiirka arrimaha gudaha iyo Federaalka Cabdi Maxamed Sabriye.
Gudddomiyaha cusub ee xil la wareegay Eng. Harrison ayaa balan qaaday in uu ka shaqayn doono horumarinta iyo nabaddeynta Caasimaadda Muqdisho.