Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya oo xilka la wareegay

906

Guddoomiyaha cusub ee  Golaha shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa maanta oo Khamiis ah si rasmi ah xilka ugala wareegay Guddoomiyihii hore ee Golaha shacabka Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Munaasabad kooban oo ka dhacday xarunta Villa Hargeysa  ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasiiro, qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Soomaaliya iyo masuuliyiin kale.

Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo goobta ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in Jawaari uu ka mid yahay Halyeeyada dalka u soo adeegay, wuxuuna tilmaamay inuu joogteyn doono la tashiyada uu la sameynayo Gudoomiye Jawaari.

“Mudane Gudoomiye Gudoomiye waxaad ka mid tahay Halyeeyada dalka wax u soo qabtay, waxaan mar walba sameyn doonaa kulamo aan khibrad kaaga qaadanayo, anaga waan ku sagootinay kuma dhahaayo, mar labaad soo dhawoow.” Ayuu yiri Gudoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Mursal.

Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa Munaasabada ka jeediyay khudbad uu kaga hadlayay waxyaabihii u qabsoomay iyo Ajanadooyinka horyaalla Baarlamaanka, wuxuuna dhanka kale beeniyay wararka sheegaya in la xaday Dastuurka.

Guddoomiyaha cusub ee  Golaha shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa waxaa horyaalla shaqooyin badan oo la xiriira Baarlamaanka, kuwaasi oo laga doonayo inuu halkooda ka sii wado.