Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta la caleema saarayo

788

Muqdisho (UM) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa maanta loo caleema saaraya xilka Guddoomiyenimada Golaha Shacabka.

Xarunta Iskool Buliisiya ee ayaa waxaa ka socda qabanqaabada caleema saarka Guddoomiyaha.

Munaasabadda Caleema saarka Guddoomiyaha  ayaa la filayaa sidoo kale in ay ka qeybgalan Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, Ra’iisal waasaare Xasan Cali kheyre, xubanaha Golaha wasiirada, xildhibaannada labada Gole ee baarlamaanka federaalka, madaxa Hey’adaha Qaramada Midoobay, danjirayaasha caalamka u fadhiya Soomaaliya iyo marti sharafkale.

Guddoomiye Mursal ayaa xilka Gudoomiyaha Golaha Shacabka loo doortay 30-kii bishii Abriil kadib markii Guddoomiyihii hore Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari xilka iska casilay sabab la xirary khilaaf siyaasadeed oo soo kala dhexgalay Baarlamaanka iyo Xukuumadda.