Muqdisho (UM) – Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa ugu dambayn iscasilay kaddib muranka siyaasaded oo ka dhashay mooshin kalsooni kala noqosho oo laga keenay bishii hore. Sida ay Ummadda Media u xaqiijiyeen masuuliyiin ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya Guddoomiye Jawaari ayaa si rasmi ah u saxiixay warqada iscasilaadiisa.
Kaddib wahadalo u socday ilaa shalay ilaa xalay Guddoomiyaha Jawaari iyo Madaxtooyada ayaa igu dambayn iscasilay.
Wararku waxa ay sheegayaan in Guddoomiye Jawaari uu saxiixay waraaq rasmi ah oo caddeynaysa iscasilaadiisa.
Guddoomiye ku xigeenka 1aad Cabdiweli Shekh Ibrahim Muudday ayaa la filayaa inuu Baarlamaanka ka hor akhriyo warqada iscasilaada Guddoomiye Jawaari.
Guddoomiye Jawaari ayaa maalinta Arbacada ah khudbad uga hadlayo iscasilaadiisa ka horjeedin doono Golaha Baarlamaanka.