Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo gaaray Qaahira (Sawiro)

933
Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari (Biddix) Maxamuud Shariif guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Masar (Middig) Jimco, Qaahira/ 29/09/2017

Guddoomiyaha Golaha shacabka JFS Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh cusmaan jawaari iyo wafdi uu hogaaminayo oo barqadii manta gaaray Magaalada Qaahira ee xarunta dalka Maser, iyadodo ay garoonka diyaaradaha ee magaalada Qaaahir kusoo dhoweeyeen masuiliyiin dalka Maser iyo sidoo kale madaxda safaaradda Soomaaliya.

Wafdiga Guddoomiyaha Golaha shacabka oo ay ka mid yihiin xildhibaanno ka tirsan golaha shacabka waxaa madaxda soo dhoweysay ka mid ah ku xigeenka koowaad ee Golaha Barlamaanka Masar, Maxamuud Shariif iyo xog-hayaha guud ee Barlamaanka Maser iyo sidoo kale kuxigeenka safaaaradda Soomaaliya ee Dalka Maser Ilyaas Sheekh Cumar.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo casuumaad rasmi ah ka helay dhiggiisa dalka Masar ayaa mudada uu joogo waxa uu madaxda dalkaasi kala hadli doonaa arrimo ay ka mid yihiin xiriirka Soomaaliya iyo Masar gaar ahaan xoojinta xiriirka iyo iskaashiga wada shaqeyneed ee labada Baarlamaan.