Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo gaaray dalka Jordan

567

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa maanta gaaray magaalada Camaan ee caasimadda dalka Jordan.

Guddoomiye Mursal iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee caasimadda Jordan ku soo dhaweeyay Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Baarlamaanka Jordan Dr.Nasar Alqeysi iyo xubno kale oo ka tirsan Baarlamaanka dalkaasi.

Guddoomiye Mursal iyo wafdigiisa ayaa la filayaa in ay ka qeyb galaan shirka 29aad Midowga Baarlamaanada Carabta (Arab IPU) oo ka dhici doona dalka Jordan 3 ilaa 4 bishaan Maarso 2019, oo soco doono labo maalmood.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal ayaa sido kale la filayaa inuu shirka kadib uu kulamo la qaadan doono madaxda kala duwan ee ka qeybgalaysa shirka.