Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo dal dib ugu soo laabtay

703
Speaker Mursal returns home from Turkey today to divided House of representatives. Photo: via Twitter

Muqdisho (UM) – Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaab ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho kaddib safar uu muddo ugu maqnaa dalka Turkiga.

Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa waxaa si wayn ugu soo dhaweeyay garoonka diyaaraha Guddoomiye ku xigeenka 1aad iyo 2aad ee Baarlamaanka, Xildhibaanno aad u fara been iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda.

Soo dhawaynta Guddoomiye Mursal ayaa la dareemayay saansanta siyaasdeed ee ka dhalatay kala diristii Guddiga Maaliyadda Baarlamaanka ee toddobaadkii hore uu kala Guddoomiye ku xigeenka 1aad.

Xildhibaannada ayaa u muuqday in ay taageero kala safasho u muujinayeen Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo dhawaan qaarkood ay dacwad ka gudbigeen Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Baarlamaanka Mahad Cabdalla Cawad oo ay ku eedeeyeen arrimo xeer hoosaadka Baarlamaanka ku saabsan.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa mar uu shalay wareysi siinayay Idacaadda VOA-da oo wax laga weydiiyay sida u arko kala dirista xubanaha Guddiga Maaliyadda Baarlamaanka ayuu sheegay in uu ka jawaabayo arrintaasi marka uu ku laabto Muqdisho.

Guddoomiye Mursal ayaan ka hadlin maanta markii uu garoonka ka soo degay waxa uuna Xildhibaannada u sheegay in wixii shaqo ah uu uga hadli doono Guriga Golaha Shacabka.

Kala diristii dhawaan lagu sameeyay xubnaha Guddiga Maaliyadda iyo Miisaaniyadda Baarlamaanka ayaa xisaad iyo muran siyaasadeed dhalisay, iyadoo muranka ugu badan uu ka dhashay qodobada loo cuskaday ee xeer hoosaadka.