Guddoomiyaha Baarlamaanka oo la kulmay Guddiga doorashooyinka Qaranka

719

Muqdisho (UM) – Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa maanta la kulmay Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka.

Guddiga doorashooyinka ayaa Guddoonka Baarlamaanka uga warbixiyay waxyaabihii u qabsoomay mudadii afarta bil ahayd ee la soo dhaafay iyo waxyaabaha u qorsheysan bilaha soo socda.

Sidoo kale guddiga ayaa sharaxaad ka bixiyay istaraatiijiyada ay u diyaariyeen doorashada iyo kulamada wadatashi oo ay wadaan.

Guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil Ibraahim ( Xaliimo Yareey ) ayaa sheegtay in ay si wanaagsan shaqooyinkooda ugu socdaan.

” Guddigeena howlo wanaagsan oo muhiim u ah dalka ayuu wadaa, Xisbiyada diiwaan gelintooda meel wanaagsan ayay noo mareysaa, waxaa sameysanay xafiisyo cusub si shaqooyinkeena an usii hormarino” ayay tiri Xaliimo yareey Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Qaranka.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ku bogaadiyay shaqooyinka iyo hawlaha guddiga ku aadan doorashooyinka.

Guddoomiyaha ayaa kula dardaarmay guddiga iney sii laba jibaaraan dadaalka ay wadaan.