Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo ay wehliyaan Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha shacabka Mahad Cabdalla Cawad iyo Habdhowraha golaha shacabka Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan Nuux ayaa maanta kormeer howleed ku tagay xarunta golaha shacabka oo dib dayactir uu ka socdo.
Waxa ay kormeereen qeybaha xarunta golaha shacabka ay ka koobantahay oo hada meel gaba gaba ah maraya dayactirka lagu sameynaayo,waxaana guddoomiyaha iyo guddoomiye kuxigeenka labaad ay sidoo kale qeybaha kormeerka ay ku tageen ka mid ah xafiiska gudoonka eek u yaala gudaha xarunta golaha shacabka.
Howlwadeenada ku howlan dayactirka xarunta ayaa guddoomiyaha iyo kuxigeenkiisa labaad uga warbixiyay howlaha dayactirka xaruntan iyo halka ay mareyso.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha shacabka ayaa sidoo kale kormeeray qeyb uu ka taaganyahay calanka jamhuuriyadda ,waxaana mas’uuliyiinta golaha shacabka ay inta kormeerkiisa ku guda jireen howl wadeenada golaha shacabka iyo Enjineerada dayactirka wada ay ku amaaneen dadaalka ay mar walba ugu jiraan soo Celinta bilicda caasimada gaar ahaan muuqashada muuqaalka quruxda badan ee xarunta golaha shacabka.