Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa maanta kulan la qaatay Madaxa Ciidamada AMISOM ahna Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Africa U Qaabilsan Arimaha Soomaaliya Danjire Francisco Madeira.
Waxa ay ka wada hadleen xoojinta Ammaanka xarunta Golaha Shacabka.
Ciidamo ka tirsan AMISOM ayaa ku sugan xarunta Golaha Shacabka, waxaana ay ka qayb ka yihiin ciidamada sugga Ammaanka xarunta Golaha Shacabka.
Kulanka ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad.