Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti oo Muqdisho soo gaaray

55

Muqdisho – Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Jabuuti Maxamed Cali Houmad iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saaka soo gaaray maagalada Muqdisho.

Waxaa ku soo dhaweeyay garoonka diyaaraha ee magaalada Muqdisho Guddoomiyaha Barlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan iyo Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka.

Waxaa sidoo kale la filayaa inuu maanta ay u amabaxaan magaalada Baydbabo Guddoomiyeyaasha Baarlamaanada Jabuuti iyo Soomaaliya halkaasi oo ay uga qeybgalayaan xaflada furitaanka Baarlamaanka dowlad Goboleedka Koonfur Galbeeed.

Xumad ayaa goor dhow la filayaa inay gaaraan magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed, halkaas oo ay si wadajir ah uga qayb galayaan furitaanka kulanka Baarlamaanka Koofur Galbeed.

Wafdiga uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti ayaa la filayaa sidoo kale in ay dhawr maalmood dalka jogaan iyagoo sidoo kale ka qeybgali doono munaasabadda furitaanka kalfadhiga 6-aad ee Baarlamaanka Federalka Soomaaliya oo furmi doono 9ka bishaan Oktoobar.

SHARE