Guddoomiyaha Aqalka Sare : Madaxweyne Farmaajo wuxuu ku xadgudbay Dastuurka dalka

97

Muqdisho – Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku eedeeyay inuu ku xadgubay Dastuuriga Ku meel gaar ah ee dalka.

” Waxaan dhagaystay hadal jeedintii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ka horjeediyay Kalfadha Guud ee Golaha Shacabka kalfadhigiisii 7aad kulankiisii gaarka ahaa ee dhacay taariikhidu markii ay ahayd 15 Agoosto, 2020. Hadal-jeedinta Madaxweynaha Jamhuuriyaddu wuxuu ku sheegay waajibaadka Madaxweynaha Jamhuuriyadda saaran kan igu muhiimsan inuu yahay ilaalinta Dastuurka dalka iyo Sharuucda kale ee dalka uu yahay hase yeeshee isla khudbadiisa dhexdeeda wuxuu si la yaab leh ugu xadgudbay dalka”. Ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare.

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa si kulul ugu weeraray qoddobo uu ka soo qaatay hadallo ku jiray khudbaddii Madaxweyne Farmaajo uu shalay ka jeediyay Golaha Shacabka.

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa qoddobada dhawrka ah ee uu ka soo qaatay khudbaddii Madaxweyne Farmaajoin ku tilmaamay in ay gef ku yihiin Sharciga dalka sida uu sheegay.

“Madxweynuhu wuxuu yiri Golaha Shacabka waa aasaaska nidaamka dowladnimadeena, dowladnimadeenuna waa Golaha Shacabka halkaas waxaad ka arkaysaan Madaxweynihii Sharcigii oo dhan inuu tuuray oo Golaha Shacabku ma aha dowladnimadeena, waa Aqal ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya”. Ayuu yiri Guddoomiye Cabdi Xaashi.

Madaxweyne Farmaajo oo shalay hadal u jeediyey Golaha Shacabka ayaa u xaqiijiyey Guddoonka iyo Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya in uu dib ugu soo celin doono heshiis walba oo lala gaaro Madaxda Dowlad Goboleedyada si ay kaalintooda dastuuriga ah uga gutaan.

SHARE