Guddiyada Maaliyadda iyo Qorshaynta ee Baarlamaanka oo kulan deg deg ah ku yeeshay Muqdisho (Sawiro)

838

Guddiga Maaliyadda iyo Qorsheynta ee Golaha Shacabka JFS ayaa Maanta la kulan deg deg ah la qaatay Masuuliyiin ka socday Wasaarada Maaliyadda.

Kulankaan oo ka dhacay Xarunta Guddoonka iyo Guddiyadda ee #villa hargaysa ayaa Waxaa kasoo qeyb galay Masuuliyiin ka socday wasaarada Maaliyadda gaar ahaan Wasiiru-dowlaha, wasiir kuxigeenka iyo Agaasimaha waaxda Miisaaniyada ee wasaarada.

Waxaana looga hadlay sidii loo dar-dar gelinlahaa Howlaha gurmadka gaar ahaa lacagtii uu Guddiga joogtada ee Golaha Shacabka uu go’aamiyay Maalininmadii shalayin lagu bixiyo Gurmadka Shacabka uu qasaaraha ka soo gaaray qaraxii dhawaan ka dhacay isgoska Soobe ee Magaalada Muqdisho.

===========
Wixii faahfaahin ah fadlan kala xiriir.
WAAXDA WAR-FAAFINTA IYO XIRIIRKA WARBAAHINTA GSH
=========
E-Mail:Mᴇᴅɪᴀ-Cᴏᴍ@ᴘᴀʀʟɪᴀᴍᴇɴᴛ.ɢᴏᴠ.sᴏ
Fᴇᴄᴇʙᴏᴏᴋ: Gᴏʟᴀʜᴀ Sʜᴀᴄᴀʙᴋᴀ JFS
Twitter:@Golaha_Shack_JFS