Guddiyada Maaliyadda iyo Ganacsiga ee Golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka ayaa sharci darro ku tilmaamtay canshuurta cusub ee ay soo rogtay Wasaaradda Maaliyadda.
Kulan Guddiyada Joogtada Golaha shacabka ay yeesheen ayaa waxaa uu u xil saaray Guddiyada Maaliyadda iyo Ganacsiga, kuwaasoo kulan la qaatay Ganacsatada Gobolka Banaadir, kana dhageystay cabashadooda.
Sidoo kale Guddiga ayaa wasaaradda ka dalbaday inay horkeento Baarlamaanka shuruucda canshuurta oo tifaftiran 30 bisha April, waxaa kaloo labada Guddi ku wargeliyeen Wasaaradda Maaliyadda in canshuur aanay soo marin Baarlamaanka aanay dhaqan gelin karin Wasaaradda Maaliyadda.
War saxaafadeed Guddiga soo saaray ayaa ka koobnaa shan qodob: