Guddiyada joogtada ah golaha shacabka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, ayaa maanta yeeshay Kulankooda 14 aad, waxaana shir guddoomiyay guddoomiyaha golaha shacabka, mudane Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari, waxaana goob joog ahaa guddoomiye ku xiggeenka koowaad ee golaha, mudane Cabdi wali Muudey, iyaddoo looga hadlay kulanka maanta dib u eegista qabyo qoraalka xeer hoosaadka golaha shacabka.
kulanka oo xubnaha guddiyadu ay dood ka yeesheen xeerka, ayaa waxaa gaba gabadii la hadlay saxaafada xoghayaha guud ee golaha shacabka mudane Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux oo sheegay in la isla gartay in qabyo qoraalka xeer hoosaadka golaha shacabka ay xubanaha guddiyadu soo aqristaan, isla markaana la isku soo laabto maalinta axada ah si talo soo jeedin loo sameeyo.
guddiyadda, ayaa qaadan doona waqti kooban oo ay ku soo akhristaan xeerkaan qabyada ah waxaana aqrinta ka dib la horgeyn doonaa golaha shacabka si loo ansixiyo oo uu u noqdo xeer ay ku shaqeeyaan goluhu.
Dhanka kale
Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari, Guddoomiyaha golaha shacabka Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, ayaa maanta xafiiskiisa Muqdisho ku qaabilay safiirka midowga Yurub ee Soomaaliya, Veronique Lorenzo oo ay ka wada hadleen dhowr arrimood oo ku qotoma xaaladdaha dalka.
arrimaha ay ka wada hadleen Guddoomiyaha iyo Safiirku, waxaa ka mid ah dhameystirka Dastuurka Qaranka iyo sidoo midowga Yurub uu door muuqda uga qaadan lahaa guddomiye jawaari ayaana u sheegay Danjiraha in dowladda Soomaaliya ay dib u eegista dastuurka ku saleyn doonto baahida iyo rabitaanka Bulshada Soomaaliyeed.