Guddiyada dib u eegista Dastuurka oo Muqdisho kulan ku yeeshay

362

Muqdisho (UM) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho kulan ku yeeshay Guddigayada u xilsaaran dib-u-eegista dastuurka.

Guddiyadaan oo kulan ku qaatay xarunta Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ayaa isku raacay in la bilaabo wadashiyada 10-ka cutub ee dib-u-eegista lagu sameeyay bisha April ee sanadkaan 2019.

Guddiga dib u eegiista dastuurka ayaa sidoo kale sheegay in wadatashiyadaan lagu qaban doono dhammaan gobolada dalka si loogala tashado qaybaha kala duwan ee bulshada, sida golayaasaha fulinta iyo sharci dejinta dowlad goboleedyada iyo bulshada rayidka ah.

Hawlaha dib u eegista Dastuurka qabyada ah aya qaali socda iyadoo shaqo badan u wali ka dhiman tahay dhamaystirka Dastuurka.

SHARE