Guddiga u xil saaran xaqiijinta xubnaha cabashada laga qabo ee Guddiyada Doorashooyinka oo soo bandhigay tirada

94

Muqdisho – Guddiga Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble u saaray xaqiijinta xubnaha cabashada laga qabo ee Guddiyada Doorashooyinka ayaa maanta soo bandhigay faahfaahin ka bixiyay hannaanka lagu xajiinayo xubnaha ay cabashada ka muujiyeen dhinacyada siyaasadeed iyo noocyada cabashada laga muujiyay.

Afhayeenka Guddiga Ra’iisul Wasaaruhu u magacaabay hubinta xubnaha cabashada laga qabo, ahna Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Alcadaala, ayaa sheegay in ilaa iyo hadda soo gaareen 67 xubnood oo ka tirsan Guddiga Maamulka Doorashooyinka heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed.

Maalmaha soo socda ayaa la filayaa in la soo gabagabeeyo xaqiijinta iyo caddeymaha ku saabsan xubnaha Guddiga Maamulka Doorashooyinka ee cabashada laga qabo.

Arrintaan ayaa ka mid ahayd qodobka 1aad ee Hishiiskii Golaha Wadatashiga Qaran ee Doorashooyinka Qaranka.

SHARE