Guddiga Shaqaalaha Rayidka oo diiday xilka qaadista Xoghaha joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda

935

Qoraal ay soo saareen Guddiga Shaqaalaha Rayidka ah ee dowladda oo ku taariikheysan 5-tii bishan isla markaana loo diray Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa lagu sheegay in hab aan sharciyeysan loo mariay isku daygii xil ka qaadis ee lagu sameeyay Xoghayahii Joogtada  ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cali Maxamed Cali isla markaaana si cad ay uga hor imaaneyso wareegtadii ka soo baxday xafiiska Ra’iisul wasaaraha xil ka qaadista iyo shaqo joojinta Agaasimayaasha Guud iyo Xoghayeyaasha Joogtada.

Guddiga Shaqaalaha Rayidka ee dowladda Federaalka Soomaaliya oo warqadan soo saaray ayaa sidoo kale sheegay in Xoghayaha Joogtada uu markii hore ku yimid magacaabis Ra’iisul Wasaare, isla markaana wixii tallaabo ka qaadis ay ku ansaxmeyso habkii markii hore lagu magacaabay, haddii aysan jirin sababo kale oo uu xilka ku waayi karo iyadoona Guddiga uu Wasiirka Arrimaha Dibadda ka dalbaday in Xoghayaha Joogtada Cali Maxamed Cali dib loogu celiyo shaqadiisa.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya 26-kii bishii hore ayaa waxaa xilka Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda loogu magacaabay Danjire Saciid Xaaji Maxamuud, iyadoo Xoghayihii xilkaas hayay Cali Maxamed Cali loo magacaabay La Taliyaha Wasiirka, taasoo ka dhalatay muran keentay inuu u dacwoodo Xoghayihii xilka laga qaaday Guddiga shaqaalaha Rayidka.