Guddiga Miisaaniyadda,Maaliydda, Qorshaynta iyo la Xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee Golaha Shacabka ayaa Maanta la kulmay Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.
Kulanka ayaa waxaa looga hadlay arrimaha:-
* Warbixin la Xariirta Kororka Dakhliga 4-tii Bilood ee la soo dhaafay.
* Odoroska Miisaaniyadda 2018 haddii ku-celis la sameenayo.
* Sare u qaadida Dakhliga iyo ilaha Dakhliga ka imaanayo.
* Sharciga Canshuuraha Meesha uu Marayo.
* Deeqaha Soo Mara khasnadda Dhexe iyo Kuwa aan soo Marin iyo qodobo kale oo Muhiim ah.
Wasiirka Wasaarada Maaliyadda oo ay wehliyeen mas’uuliyiin Ka tirsan Wasaaradda ayaa warbixin kasiiyay Guddiga howlaha Wasaarada ilaa hadda u qabsoomay.
Sidoo kale Wasiirka ayaa ayaa ka jawaabay Dhamaan Su’aalihii uu Guddiga ay ka weydiiyeen howlaha wasaaradda.
Kulankaan ayaa waxaa si wadajir ah u guddoominayay Guddoomiyayaasha labada Guddiyada Arrimaha Gudaha iyo Difaaca ee Baarlamaanka waa Marwo Fowsiyo Maxamed Sheikh iyo Xussein Carab Ciise.
Kulankaan ay Maanta yeesheen Guddiyadaan ayaa imaanaya Xili dhawaan Guddiga Arrimaha Gudaha iyo Amniga uu kulamao Xog-wareysi ah uu la qaatay Wasiirka Wasaarada Amniga Gudaha iyo Saraakiisha Ciidanka qeybahiisa kala Duwan.
Dhanka kale, Guddiyadda Arrimaha Gudaha iyo Difaaca ee Golaha Shacabka oo Maanta Kulmay ayaa waxay ka hadleen Amniga Xarumaha Golaha Shacabka uu ku shaqeeyo Iyo Xildhibaanada Golaha Shacabka.