Guddiga Midowga Yurub oo diiday inuu ka shiro dhibaatada Rohingya

804

Guddiga Midowga Yurub ayaa diiday maanta oo Isniin ah inuu guddiga la hadlo dhibaatada lagu hayo qowmiyadda Rohingya, ee dalka Myanmar (Burma).

Guddiga ayaa waxaa qorshuhu uu ahaa inay maanta ka doodaan arinta qaxootiga iyo dhibaatada Rohingya ee ay kala kulmaan militariga dalka Myanmar.

Mooshinta hor yaalay guddiga Midowga Yurub ayaa waxaa gudbisay dowladda Turkiga, mooshinkaasi oo la diiday in laga doodo, sida ay ku waramayso wakaaladda Wararka dalka Turkiga ee Anadolu Agency (AA).

Ku simaha madaxwaynaha Guddiga Midowga Yurub Roger Gale, ayaa xaqiijiyay in codsiga Turkiga uu soo gudbiyay oo ahayd in laga hadlo qalalaasaha dalka Myanmar ayaa waxaa diiday guddoonka guddiga, kulanka oo qorshuhu ahaa inuu ka dhaco magaalada xadka dalalka France iyo Jarmalka ku taala ee Strasbourg, oo ah xarunta guddiga Midowga Yurub.

“Turkiga waxaa uu doonayay in laga hadlo falalka foolxumada badan ee lagu hayo Rohingya, hase ahaatee taasi badelkeeda guddiga waxaa uu isku raacay in maanta laga hadlo xiisadda siyaasadeed ee ka dhex taagan Spain iyo Catalonia iyo sharciga waxbarashada dalka Ukraine ” wakaaladda wararka Turkiga ayaa sidaa ku warantay.

Tan iyo 25 bishii August markaasi oo militariga Myanmar uu bilaabay howlgal militari ee ka dhan ah dadka Rohingya, waxaa dalka Bangladesh u talaabay dad ka badan 515,000, kuwaasi oo naftooda kala soo baxsaday dhibaatada militariga.

Wasiirka arrimaha dibadda dalka Bangladesh Abul Xasan Maxmuud Cali, ayaa sheegay in tan iyo dhammaadkii bishii August la dilay 3,000 oo qof.