Guddiga Maaliyadda Golaha Aqalka Sare oo la kulmay wasiirka Maaliyadda

704

Muqdisho (UM) –  Guddiga maaliyada Golaha Aqalka Sare ayaa maanta la kulmay Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle. Guddiga ayaa Wasiirka Maaliyadda ka dhageystay warbixin ku saabsan horumarka Maaliyadeed, guushii barnaamijka la socodka Shaqallaha ee Hey’ada IMF-ta ee loo soo gaabiyo (SMP)  iyo arrimaha Miisaaniyadda dalka.

Wasiirka Maaliyadda ayaa sidoo kale la kulmay Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare, iyo Ku Xigeenkiisa 1aad waxa ayna ka wada hadleen arrimo ku saabsan Maaliyadda iyo horumarka laga sameeyay barnaamijka SMP-da.