Guddiga Maaliyadda Baarlamaanka Soomaaliya oo isbeddel lagu sameeyay

509

Muqdisho ( UM) –  Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa isbeddel ku sameeyay hoggaanka Guddiga Maaliyadda iyo Miisaaniyadda Golaha Shacabka.

Wareegto ka soo baxday xaafiiska Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uuna ku saxiixnaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo ciwaan looga dhigay ‘ Go’aanka Guddoonka ee ku aadan Guddiga Sare ku xusan’ ayaa lagu sheegay in markii Guddiga ay ku guuldaraysteen xalinta khilaafka ka dhexjiray Guddiga iyo diyaarinta warbixinta Miisaaniyadda 2019 dib u habayb lagu sameeyay Guddoonka xubnaha Guddiga.

Waxaa isbeddel lagu sameeyay hoggaanka xubnaha Guddiga Maaliyadda iyadoo laga saaray Guddoomiyaha, Guddoomiye ku xigeenka iyo xoghayaha Guud ee Guddiga Maaliyadda. Waxaa la faray xubnaha guddiga Maaliyadda in isla maanta ay iska soo dhex doortaan Guddoomiye, Guddoomiye ku xigeen iyo Xoghayaha.

Guddiga ayaa sidoo kale la faray in ay sida ugu dhaqsaha badan u diyaariyaan warbixinta xeerka qoondada Misaaniyadda 2019-ka oo ay isla soo garteen wasaaradda Maaliyadda, isla markaasna Golaha Shacabka ku soo hordhigaan ugu dambayn 30/12/2018.

Xildhibaannada Golaha Shacabka aya sidoo kale la faray dhammaan in ay soo xaadiraan fadhiga Baarlamaanka 30/12/2018 si ay codkooda uga dhiibtaan xeerka qoondada Miisaaniyadda 2019-ka, si Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya xeer uga soo saaro 31/12/2018 oo ah maalinta ugu dambeysa ee xilli Miisaaniyadeedka, sida lagu xusay qoraalka Ka soo baxay Guddoonka Baarlamaanka.

SHARE