Guddiga Maaliyadda Baarlamaanka Soomaaliya oo doortay Guddoon cusub

696

Muqdisho (UM) – Xubnaha Guddiga Maaliyadda ee maanta isbeddelka lagu sameeyay ayaa galabta
Xildhibaan Maxamuud Cabdullahi Siraaji u doortay Guddoomiyaha Guddiga Maaliyada iyo Miisaaniyadda Golaha Shacabka kaddib doorasho ka dhacday xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho.

Iyadoo Xildhibaan Aamino Sheekh Cusmaan loo doortay Guddoomiye ku xigeenka guddiga Maaliyadda iyo Miisaaniyadda.

Halka Xildhibaan Aadan Cali Xasan loo doortay Xoghayaha guud ee guddiga Maaliyadda iyo Miisaaniyadda.

Sidoo kale Xildhibaan Aamino Sheekh Cusmaan ayaa loo doortay guddoomiye ku xigeenka guddiga Maaliyadda iyo Miisaaniyadda Baarlamaanka.

Halka Xildhibaan Aadan Cali Xasan loo doortay Xoghayaha guud ee guddiga Maaliyadda iyo Miisaaniyadda Baarlamaanka.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mahad Cabdalla Cawad ayaa guddoonka cusub ee guddiga kula dardaarmay in ay si deg deg ah u qabtaan howlaha culus ee horyaalla.

Sidoo kale waxa uu sheegay in guddoonka Golaha Shacabka uu diyaar u yahay iney guddiga kala shaqeeyaan dardar gelinta howlaha culus iyo sidii loogu qaban lahaa waqtiga haray shaqooyinka horyaalla.

Doorashada waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad, Habdhowraha Golaha Shacabka Maxamed Cabdullahi Xasan (Nuux) iyo Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Cabdikariin Xaaji Cabdi (Buux).

Doorashadaan ayaa ka dambaysay kaddib markii Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay saaka wareegto ka soo baxday, isbeddel lagu sameeyay xubnaha Guddiga Maaliyadda Baarlamaanka iyadoo Guddoomiyihii, Guddoomiye ku xigeenkii iyo Xoghayahihii laga saaray Xubnaha Guddiga kaddib markii ay ku guuldaraysteen in ay xal u helaan khilaaf ka dhexjiray sida Guddoonka Baarlamaanka caddeeyay.