Guddiga Maaliyadda Baarlamaanka oo la kulmay Guddoomiyaha Bangiga Dhexe

885

Muqdisho (UM) – Guddiga Maaliyadda Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta la kulmay Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Soomaaliy iyo hawlwadeenna bangiga.

Masuuliyiinta Bangiga dhexe ayaa Guddiga la warbixin ka siiyay waxyaabaha u qabsoomay iyo horumarada la gaaray iyo caqabadaha hortaagan ee xalinta u baahan.

Guddoomiyaha Guddiga Maaliyada ee Golaha Shacabka Cali Cabdi Cismaan ayaa ku booriyay masuuliyiinta Bangiga dhexe in ay soo dadajiyaan helitaanka lacag shilin Soomaali ah oo ay baahi xoog leh u qabaan shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo Kale Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in ay lagama maarmaan tahay wax ka qabashadda cabashooyinka la xiriira adeegyada Iyo caqabadaha mararka qaar ku soo kordha Bangiyadda gaarka loo leeyahay kuwaas oo mararka qaarkood dhinaca dibadda looga soo roggo xayiraad dhinaca dhaqaalaha.

Labada dhinac ayaa isla gartay in ay dhex marto wada shaqeyn balaaran si looga gudbo caqabadaha hor taagan howlaha maaliyadda, loona xoojiyo wada shaqeynta labada dhinac.