Guddiga joogtada Golaha Shacabka oo Muqdisho kulan ku yeeshay

576

Muqdisho (UM) – Waxaa maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka.

Shirka Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka Barlamanka Federaalka oo uu shir Guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa looga hadlay furitaanka kalfadhiga 5-aad ee Baarlamaanka iyadoo ay ka qeybgaleen Guddoomiye ku xigeenka 1aad Cabdi wali Sheekh Ibraahim Muudey ,habdhowraha Baarlamaanka iyo xoghayaha Golaha.

Xubnaha Guddiga joogtada ah ayaa ka hadlay waqtiga uu furmayo kalfadhiga shanaad ee Baarlamaanka Federalka Soomaaliya.

Kulanka kaddib ayaa Guddigu shaaciyay waqtiga uu furmaayo kalfadhiga shanaad ee Baarlamaanka oo loo a asteeyay in 27-ka bisha Maarso oo ku beegan maalinta Arbacada ah uu si rasmi ah u furmi doono kalfadhiga shanaad sida Saxaafadda u sheegay Xoghayaha Guud ee Baarlamaanka Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux.