Guddiga joogtada Golaha Shacabka oo kulan ku yeeshay Muqdisho

572

Muqdisho (UM) – Kulankii saddexaad ee Guddiga joogtada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa guddoominayay Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudey, Habdhowraha golaha iyo xoghayaha guud ee golaha shacabka,

Xubnaha gudiga joogtada ayaa kulanka kaga hadlay dejinta Ajendayaasha Kulamada soo socda ee kal-fadhigan 5aad golaha iyo shuruucda muhiimka ah ee golaha hortabinta u leh,

Xoghayaha guud ee golaha shacabka oo kulanka markii uu soo gaba gaboobay ka hadlay ayaa sheegay in xubnaha Guddiga joogtada ah ay aad uga hadleen sidoo kalena ay falanqeeyeen dejinta iyo u diyaar garowga sidii loo dejin lahaa Ajendayaasha Kulamada la filayo in fadhigan ay u qabsoomaan golaha,

Waxaa uu sidoo kale xog-hayuhu uu sheegay in xoogga la saarayo ilaalinta waqtiga kulamada Baarlamaanka taasi oo si aad ah loo adkeyn doono maadaama labo Kulan oo kal-fafhigan 5aad ay u baaqdeen kooram la’aan Xillibaanadda ah si loo dardar geliyo hawlaha sharci dejineed ee golaha shacabka.

Xildhibaannadda Baarlamaanka ayaa maalinta Arbacada ah la filayaa in ay kulan kooda caadiga ah yeeshaan iyadoo buuq iyo kooram la’aan ku dhammaaday kulankii kan ka horreyay.