Baydhabo: Waxaa magaaalada Baydhabo ee xarunta dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed lagu soo gabagabeeyay shirkii Guddiga Farsamada ee dhawaan uu magacaabay Ra’iisul Wasaare Rooble.
Guddigaan oo ka koobanaa 14 kalana kala socday dowladda Federaalka, dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa looga arrinsanayay in loogu gogol xaaro shirka madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada.
Guddiga ayaa heshiis iyo is afgarad ka gaaray qoddobo muhiim ah oo la isku hayay: Qoddobada is afgaradka laga gaaray waxaa ka mid ah, arrinta Gobolka Gedo, Guddiyada doorashada Gobolada Waqooyi.
Guddiga ayaa sidoo kale go’aamiyay in 18ka bishaan Febraayo ah kulan degdeg ah isugu yimaadaan Madaxda dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir si ay u saxiixaan qododida lagu heshiiyey.
Hoos ka akhriso War-Saxaafadeedka ay soo saareen Guddiga Farsamada:-
Guddiga Farsamada Doorashada Soomaaliya ayaa War-saxaafaddeedkan Baydhabo kasoo saarey;
War-Saxaafadeed
Baydhabo, Febaraayo 16, 2021; Shirka Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashada Federaalka ee ku qabsoomay magaalada Baydhabo ee caasimadda kumeelgaarka ah ee Koonfur Galbeed 10-16-kii Febaraayo 2021 waxa uu ku soo dhammaaday guul. Guddiga oo ka duulaya mabaadi’da aasaasiga ah ee wadar ogol, isu tanaasul, is qancin iyo tixgalinta xaaladda dalka ayaa si qoto dheer uga dooday qodobbada caqabadda ku ahaa fulinta heshiiskii 17-kii Sebteembar 2020 iyo duruufaha ku xeeran qabsoomidda doorashooyinka Dawladda Federaalka Soomaaliya.
Guddigu waxay si gaar ah diiradda u saareen dhiraan-dhirinta farsamada iyo xal u helidda qodobbadan:
Cabadashada laga muujiyey in qaar ka mid ah xubnaha Guddiga Doorashooyinka aysan waafaqsanayn habraacyada iyo shuruudaha xubinnimo ee Guddiga Doorashooyinka ee lagu qeexay heshiiskii 17-kii Sebteembar 2020, gaar ahaan in ay jiraan xubno ka tirsan Shaqaalaha Rayidka ah iyo Hay’adaha Amniga.
1. Xal u helidda Guddiga Doorashada kuraasta Somaliland.
2. Xaaladda Gobolka Gedo oo la xalliyey.
3. Adkaynta Qoondada Haweenka
4. Jadwalka qabsoomidda doorashada
Guddigu waxay xal farsamo oo gundhig u noqon kara qabsoomidda doorashada ka gaareen dhammaan qodobadaas kor kuxusan, waxayna Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran u gudbiyeen soo jeedinta guddiga si ay u meel mariyaan.
Sidoo kale, Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashadu waxay ugu baaqeen Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran in ay shir isgu yimaaddaan 18 Febaraayo, 2021.
Guddigu waxay u mahadcelinayaan Madaxwayanaha Dawladda iyo shacabka reer Koonfur Galbeed soo dhawaynta iyo martigalinta Guddiga Farsamada.
Guddigu waxay sidoo kale u mahadcelinayaan Beesha Caalamka oo dadaalka joogtada ah ugu jirta sidii dalka ay uga dhici lahayd doorasho loo dhanyahay.
*Dhammaad*