Home Wararka Maanta Guddiga Doorashooyinka Qaran oo daah-furay diiwan galinta KMG ah ee Xisbiyada

Guddiga Doorashooyinka Qaran oo daah-furay diiwan galinta KMG ah ee Xisbiyada

826

 Guddiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qaranka, ayaa wuxuu ku guuleystay inay daah-diiwan gelin  KMG ah oo loo samaynayo ee Xisbiyada siyaasadeed ee Soomaaliya.

Waxaa guddigu soo bandhigay foomamka diiwaan gelinta KMG ah, iyadoo ay goob joog ahaayeen qaar kamid ah Guddoomiyeyaasha xisbiyada siyaasadeed ee dalka iyo Mas’uuliyiinta Guddiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qaranka.

Xaliimo Sheekh Ismaaciil Xaliimo Yarey Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-anaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa muujisay in diiwaan galinta ku meel gaarka ah ee maanta la daah-furay ay fursad badan siineyso xisbiyada siyaasadeed ee dalka ka jira.

Xafiiska Diiwaan gelinta ee Guddiga ayaa u sharaxay xisbiyada goobta joogay habka iyo hanaanka ay isku diiwaan galinayaan.

Waxaa jiray su’aalo iyo talooyin xisbiyadu ay Guddiggu u jeediyeen, hase ahaatee masuuliyiinta guddigga madaxa-banaan ee doorashooyinka ayaa u sheegay xisbiyada in wax waliba uu Dastuurka faahfaahinayo, iyaguna ay hirgelin doonaan.

Guddoonka xisbiyada qaar ayaa Warbaahinta u sheegay in guddigu uu qaaday talaabo muhiim ah oo muujineysa in looga gudbi karo nidaamka hab qeybsiga  ee hadda lagu shaqeeyo.

Guddiga Madaxa-anaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa ku howlan hirgelinta hanaanka doorashooyinka Qof iyo cod ah oo dalka ka qabsooma.