Muqdisho: Doorasho ay ka soo qeybgaleen xubanaha Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka heer Federaal ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo maanta ka dhacday Hotel ka Decale ee magaalada Muqdisho
Guddiga ayaa codeyn kaddib waxa ay Guddoomiyaha Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka u doorteen Maxamed Xasan Maxmed halka Abuukaate Mowliid Mataan Salaad loo doortay Guddoomiye ku xigeenka isna cod gacan taag ah ay ku doorteen Guddigu.
Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ayaa waxaa ka taagan muran wayn oo dhanka musharaxiinta mucaaradka. Shir ay horrey Muqdisho ugu yeesheen ayay ugu baaqeen in dowladda Federaalka Soomaaliya ay kala dirto Guddigaan si Guddi kale loo soo dhiso.
Doorashada heer Federaal ee Baarlamaanka iyo Madaxweynaha Soomaaliya oo waqti badan uusan ka harin ayaa waxaa ka taagan buuq iyo walaac ah in ay ka dhalato qalalaase siyaasadeed oo samayn ku yeella kara amniga iyo xasiloonida dalka.