Guddiga doorashada madaxwaynaha Hirshabelle oo lagu dhawaaqay

865

Guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabelle Sheekh Cismaan Barre Maxamed ayaa wareegto uu soo saaray ku magacaabay sagaalka xubnood ee ah guddiga doorashada Madaxweynaha Hirshabelle.

Guddigan oo ka kooban sagaal xubnood oo dhamaantood rag ah ayaa waxaa guddoomiye loogaga dhigey Maxamuud Xuseen Yuusuf halka ay guddoomiye ku xigeeno ka yihiin Abuukar Xasan Cali iyo Cabdulaahi Maxamed Caddow, halka xoghaynta guddigana uu yahay Ismaaciil Maxamed Nuur.