Guddiga Madaxa Banaan Ee Dib u Eegista Dastuurka KMG ah iyo Guddiga Dib u Eegista Dastuurka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxa ay ka soo horjeesteen shirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ay qorsheysay inay magaalada Muqdisho ka furto maalinta barri ah.
Guddoomiyaha Guddiga Dib U Eegista Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya u qaabisan Baarlamaanka Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo War-murtiyeedka u aqriyay warbaahinta ayaa sheegay in shirkaasi uu yahay mid caqabad iyo dhibaato ku ah geedi socodka dib u eegista Dastuurka KMG ah ee dalka.
Qayb diid, ayaa waxaa uu uga digay Maamul Gobolleedyada iyo Ururada Bulshada Rayidka ah in ay ka qeyb galaan shirkaas.
Warar goor sii horaysay maanta oo Sabti ah soo baxay ayaa waxaa uu sheegayay in maamul-gobaleedyada qaybta ka ah dowladda Federal-ka ay gaashanka u daruureen ka qayb-galka shirkaasi
Halka ka aqriso War-Murtiyeedka ay soo saareen guddiga dib u eegista Dastuurka ee Baarlamaanka Soomaaliya.