Kulan ujeeddadiisa lagu sheegay in guddiga baarlamaanka Soomaaliya u qaabilsan arrimaha amniga ay su’aalo weydiiyaan wasiirka amniga iyo taliyaha ciidanka booliiska, kaas oo maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay xubnaha guddiga iyo wasiirka amniga gudaha ee xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow, taliyaha ciidanka booliiska Janaraal Cabdixakiim Daahir Saciid Saacid iyo saraakiil kale oo laamaha amniga dowladda Soomaaliya ka tirsan.
Xoghayaha Baarlamaanka Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux, oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in guddiga amniga u qaabilsan golaha shacabka u yeereen wasiirka iyo taliyaha booliiska si wax looga weydiiyo ammaanka dalka gaar ahaan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.
Kulankn ayaa waxaa uu xiritaan ama gabagebo u ahaa kulamo maalmihii la soo dhaafay ka socday magaalada Muqdisho oo amniga uun looga hadlayay.