Guddi Xaqiiqo raadin ah oo ka socda dowladda Soomaaliya oo tagay deegaanka Barriire

455

Guddigii Wasiirada ee Xukuumadda Soomaaliya u magacawday inay soo baaraan dhacdadii Degaanka Bariire ee Gobolka Shabellaha Hoose, ayaa waxa ay gaareen degaankaasi.

Guddigaan ayaa waxaa Gudoomiye u ah Wasiirka Amniga Gudaha Xukumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow.

Gudigaan ayaa u kuur galaya dhacdadii Jimcihii ka dhacday Degaanka Bariire oo lagu dilay dad gaaraya 10 qof oo Saddex ka mid ah ay ahaayeen Caruur, waxay wareysiyo fool-ka-fool ah la yeelan doonaan dadka degaanka si ay u ogaadaan xaqiiqda wixii ka dhacay degaankaasi.

Guddigaan, ayaa waxay xalay Magaalada Muqdisho kula kulmay Odayaasha Dhaqanka ee dadkii lagu dilay Bariire, waxayna ka codsadeen inay u raacaan Degaanka Bariire.

Labo maalin oo kaliya ayaa Guddigaan u hartay waqtigii loogu tala galay in ay jawaab ka keeneen sababta dadkaasi loo dilay iyo cidda dilkooda ka dambaysay.

Dowladda Soomaaliya ayaa war is khilaafsanaa ka sheegay dhacdada Barriire.

Madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo ayaa bartiisa Facebook-ga ugu tacsiyeeyay ehelada dadka lagu dilay Barriire.

Wasiirka Warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Eng. C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa sheegay in dowladda ayaan dilin wax shacab ah inkastoo markii dambe war kale uu kasoo saaray dhacdadaasi.

Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka oo goor dambe hadlay ayaa arinta kala cadeeyay oo sheegay in dadka la dilay ay ahaayeen dad shacab ah oo aan waxba galabsan, isagoo sheegay in dadka dowladda ka tirsan oo ka hadlay dhacdada Barriire ay faraha la galeen howl Militari oo aysan shuqul Ku lahayn.

Waxaa xusid mudan in wararka is diidanaa ee ka soo baxay dowladda ay sababtay in xubnaha ka mid ah golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya aysan warbaahinta la hadli karin ayagoo aan ogolaansho ka haysan xafiiska Ra’iisul wasaaraha, amarkaasi oo siyaasiyiinta qaarkood Ku tilmaamay mid ‘Caburin’ ah islamarkaana ka hor-imaanaysa Dastuurka dalka oo ogolaanaya in dadka Soomaaliyeed ay xaq u leeyihiin inay ogaadaan xogaha dowladda iyo dhacdooyinka guud ee dalka.

SHARE