Guatamela oo xiriirka u jartay Venezuella

56
Madaxweynaha la doortay ee dalka Guatemala Alejandro Giammattei. REUTERS/LUIS ECHEVERRIA/FILE PHOTO

Madaxweynaha la doortay ee dalka Guatamella Allejandaro Giammatea ayaa noqday hoggaamiyinii labaad ee dal ku yaal Latin America oo xiriirka u jara dawladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Nicholas Maduro.

Hoggaamiyahaan midigta dhexe oo ku guleystay doorasho kala reeb ahayd ayaa sheegay in maamulkiisa uu aqoonsanayo hoggaamiyaha mucaaradka Juan Guiado oo isaga isku magacaabay Madaxweyne ku meel gaar ah.

Madaxweynaha aan wali talada la wareegin ee Guatamela ayaa sheegay in go’aanka uu qaatay yahay mid sax dhawaanna ay dalal badan oo ku yaalla qaaradda Latin America ay xiriirka u jari doonaan dawladda Madaxweyne Nicolas Maduro.

Guatamela ayaa noqoneysa dalkii labaad ee xiriirka u jara dawlada Vanezuella.El Salvador ayaa horay u qaadatay go’aan oo kale oo xiriirka u jartay Venezuella taas oo keentay in Vanezuella ay uga jawaabto ceyrinta diploomaasiyiinta ElSalvador.

Dawladda Vanezuella ee Madaxweyne Maduro ayaa go’doomin siyaasadeed la kulmeysay tan iyo markii Madaxweynaha uu mar labaad doorasho ku guuleystay 14 January ee bilowga sannadkaan.

Madaxweyne Maduro ayaa heysta taageerada ciidanka dalkaas, halka Juan Guaido uu heysto aqlabiyadda baarlamaanka dalkaas.

Dalal ay ka mid yihiin Ruushka, Shiinaha, Cuba ayaa istaag diploomaasiyadeed la barbar taagan dawladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Maduro, halka Maraykanka iyo xulafadiisa ay taageersanyihiin hoggaamiyaha mucaaradka Juan Guiado.

SHARE