Guatamala oo noqday dalkii 2 oo Safaaraddiisa u raraya magaalada Qudus

978

Dowladda Guatamala, ayaa Ku dhawaaqday in Xukuumadda dalkaasi ay wado qorshe safaaraddeeda magaalada Tel Aviv, ee xarunta Israel, ay kaga rarayso si loogu wareejiyo magaalada Qudus.

Madaxwaynaha dalka Guatemala, Jimmy Morales, ayaa sheegay in Xukuumaddiisa ay qaadayso tallaabadii horay ay u qaaday Xukuumadda Washington, taasi oo ah in Maraykanka safaaraddiisa  uu  si aan Sharci ahayn ugu wareejinayo magaalada Qudus, ka dib markii madaxwaynaha Maraykanka Donald Trump, uu amar Ku bixiyay sidoo kalena uu magaalada Qudus u aqoonsaday inay tahay Caasimadda Israel.

Mr. Jimmy Morales, madaxwaynaha Guatemala, waxaa uu sheegay in uu la hadlay ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Natanyahu, islamarkaana uu u sheegay in safaaradda Guatemala ay Ku leedahay magaalada Tel Aviv loo wareejin doono magaalada Qudus.

Tallaabadan, ayaa ka dhigan in dowladda Guatemala ay noqonayso dowladdii labaad ee Caalamka oo magaalada Qudus u aqoonsata Caasimadda Israel.

Maxaad ka taqaanaa Guatemala?

Qariiradda dalka Guatemala

Guatemala ayaa ah dal ku yaala bartamaha Koonfurta America, waa dal xad dhow la leh Mexico.

Dalkan waa dal madaxbanaan, hase ahaatee waxaa loo qadariyaa mid qayb ka ah dalka Maraykanka, maadaama ay aad isugu dhow yihiin labada dal.  82% dadka reer Guatemala ayaa fikrado wanaagsan ka aaminsan dalka Maraykanka.

Waxaa dalkan uu ka mid ahaa 9 dal oo dhowaan qaraarkii golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay codkooda Ku taageeray Maraykanka.

Qaraarkaasi oo ay  aqoonsiga Maraykanka ee Qudus codkooda Ku diiday  128 dowladood.

Qaraarka ayaa ahaa qaraar horay golaha Ammanka ee Qaramada Midoobay loo horgeeyay kaasi oo Maraykanka awooddiisa codka Veto-ga Ku hor istaagay.

Muhiimadda Qaraarka

Waxaa qaraarkaasi is hor taagayay aqoonsiga madaxwaynaha Maraykanka uu magaalada Qudus ugu aqoonsaday inay tahay Caasimadda Israel.

Xulafo ay aad isugu dhow yihiin Maraykanka, sida Germany, France, UK, Spain, Turkey, Jordan, Masar, Qadar, Imaaraadka, Sacuudiga iyo kuwo kale ayaa markii ugu horaysay Maraykanka garabkiisa ka baxay, ayadoo Maraykanka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay shirkooda ay kasoo gaartay waji gabax kii ugu waynaa taariikhdan casriga ah.

Qudus

Magaalada Barakaysan ee Qudus

Magaalada Qudus, waa xudunta  khilaafka Barriga dhexe, ayadoo magaalada Qudus ay tahay magaalada 3-xaad ee ugu barakaysan Islaamka, ka dib Makka iyo Madiina.

Yahuudda iyo Masiixiyiinta ayaa Qudus waxaa ay u tahay magaalada koowaad ee ugu barakaysan.

Ka dib dhashadii Israel, QM ayaa magaalada Qudus waxaa ay u samaysay maqaam u gaar ah ayadoo la hoos geeyay maamulka QM.

Israel ayaa intaasi ka dib magaalada Qudus qabtay ka dib dagaalkii dhexmaray Carabta iyo Israel.

Waxaa intaasi ka dib Qaramada Midoobay magaalada Qudus ay u qaabisay Barri iyo Galbeed oo loo kala aqoonsaday in Barriga ay tahay Caasimadda mustaqbalka dowlad ay leeyihiin Falastiiniinta.

Sharciga Caalamiga ah ma aqoonsana sheegashada Israel, ee ah in ay Caasimaddoodu tahay.

Mushkiladda ka taagan magaalada barakaysan ee Qudus uma eka mid xal loo heli doono muddo dhow, ayadoo dadka qaarkood ay u arkaan in mushkiladda Qudus aysan dhammaan doonin ilaa iyo QIYAAMAHA.