Muqdisho (UM) – War-saxaafadeed wadajir ah oo ay soo saareen Guddiyada Maaliyada iyo Ganacsiga ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu go’aamiyay in canshuurta boqolkiiba shanta ah oo ay soo rogtay wasaarada Maaliyadda ay tahay mid sharci darro ah. Go’aanka Guddiga ayaa yimid xilli aad muhiim u ah, oo wali dowladda iyo ganacsatadu ay ka doodayaan canshuurta,halka kuwa kalena ayba bxiyeen si ay uga soo deeystaan alaabtooda dekadda Muqdisho.
War saxaafadeedka Guddiyada ayaa ah mid aan caadi aheyn, maxaa yeelay waxay isku dayayaan baabinta go’aan dowladeed oo ku dhisan sharciga canshuuraha, kaas oo jiray laga soo bilaabo xilligii dowladii Siyaad Barre.
Sida ay qabto wasaaradda Maaliyadda sharciga xukuma canshuurta waa xeerka lambar 2, kaas oo la meel mariyay 7dii Janaayo, 1984 tii. Nidaamka sharciyada ee waddan walba, xitaa waddamada taagta daran sida Soomaaliya oo kale taas oo soo martay burbur xoogleh, waxay ahaanayaan sidii lagu meel mariyay ilaa Baarlamaanku nasakhid ama wax ka bedel ku sameeyo. Hase yeeshee baarlamaanka Soomaaliya ayaa iskala qabsaday in ay ku qayliyaan waa sharci darro wax kasta oo aysan fahmin, iyaga oo aan sameyn la tashi dhinaca sharciga ah. Sidaasi waa sharci darro, xilkasnimo la’aan iyo hor istaag horumarka dalku gaari lahaa.
Warsaxaafadeedka Guddiyada wadajirka ah waxay ku doodeen in qodobka 125aad ee dastuurka ku meel gaar ah uu awood u siinayo Baarlamaanka in ay u codeyaan dhammaan sharciyada canshuurta ee dalka.Qodob kaasi-se waxa uu khuseeya aasaasida keydka qaranka(Bangiga sameynta lacagaha).
Dastuurka qabyo ku meel gaarka ah marnaba ma dhihin dhammaan sharciyadii ka horreeyay dastuurka ku meel gaarka ah waa waxba kama jiraan. Waxaa intaas sii dheer, dastuurka kumeel gaarka ah ma siin guddi awooda laalida sharcigaas, waxa uu kaliya uu siiyay awoodda eegida iyo ka talo siinta Baarlamaanka.
Sidaasi waa sida uu yahay habdhaqanka baarlamaanka waddamada dimuqraadiga ah. Sida awgeed waa in xildhibaannadu ka faa’iidaan taageerada sare u qaadida aqooneed ee la siiyo oo ay ogaadaan waxyaabahaan oo kale.
Canshuurta boqolkiiba shan ayaa abuurtay dood kulul, waxayna u baahantahay shaqo dheeri ah oo ay qabato wasaarada Maaliyadda si dadka looga dhaadhiciyo.
Ha yeeshe dooda ah Soomaalidu ha bixiso canshuurta si mustaqbalkooda loogu dhiso, ayaa ah mid Guddiyada Baarlamaanka ee mushaarkooda laga bixiyo canshuurta ay tahay in ay taageeraan oo aysan fashilin. Si kastaba, Guddiyada wadajirka ah ayeey aheyd in la tashi sharci sameeyaan inta aysan sii deyn war saxaafadeed dhibta badan geeystay oo ay ku soo saareen go’aan uusan awood u siineyn dastuurka kumeel gaarka ah oo ay si khaldan u cuskadeen.
Guddiyadda baarlamaanka ayay faro ku godanyihiin, maadaama kuwa badan oo ka tirsan ay si toos ah ugu lug leeyihiin ganacsiyo iyo ganacsatadaba, kuwaas oo ay taageero ugu muujiyeen war saxaafadeedkooda.Qaarkood xitaa waa mucaarad dowladda hadda jirta.
Sidaa darteed, waxaa jirta aragti shacbi oo qabta in Guddiyada wadajirka ah ay ka shaqeynayaan danahooda gaarka ah oo ay difaacayaan mucaaradka , halkii ay ka difaaci lahaayen ajandaha dowlada ee ah maalgalinta mustaqbalka dalka. Sidaas oo ay tahayna, haddana xildhibaannadaas waxay mushaar ka sugayaan dowladda bisha marka ay dhammaato.
Waxaa shaki la’aan ah in arrinta canshuurtu ay tahay mid xiisad abuuri karta.
Dowladda Soomaaliya waa in ay kasbataa kalsoonida iyo aaminaada dadweynaha hab ku dhisan daahfurnaan iyo isla xisaabtan. Hay’adaha canshuurta waa in la xoojiyaa, dakhliga la aruuriyana lagu maalgaliyaa adeegyada danta guud. Aragtida guud ee dadweynaha ayaa qabta in danaha dhawr qof aysan ka xoog badin ajandaha hormarineed ee dalka iyo dadka Soomaaliyeed.
Soomaaliya masii wadi karto baryada dowladaha kale oo nagu taageera canshuurta muwaadiniintooda si aan dib ugu dhisano dalkeena.Tanni waxay ceeb ku tahay qabka dadka Soomaaliyeed, iyo culeys saran bahwadaagteena daalan kuwaas oo ka marqaati ah saansaanta dhaqaale ee Soomaaliya.
Waqti fiican waa in Baarlamaanka galiyaa baarida xubnaha iyaga ka tirsan oo saamiyo ku leh shirkaddo ganacsi , dadweynahana u soo bandhigaan baaritaanka, si go’aamadooda iyo doodahoodaba ay u noqdaan kuwa la aamini karo.
Waxaa taas kasii muhiimsan waa in baarlamaanka su’alaa Guddiyadda Maaliyadda halkii ay ka hambalyeey lahaayeen, oo ay weydiiyaan sababta iyaga oo hela lacag 3,000 oo doollar ah oo ay u dheertahay 1,000 doollar oo ku baxa ilaalintooda amniga ay u bixiyaan 8% canshuur ah, halka agaasimayaasha wasaaraddaha oo hela 1,000 doollar iyo wax ka badan ay u bixinayaan 12%, halka kuwa helana 1,500$ iyo wixii ka badanna ay bixiyaan 18%. Isla xisaabtanku waa in uu ka bilawdaa Baarlamaanka.