Golayaasha Sharci-dajinta Soomaaliya iyo Sudan oo Heshiis kala saxiixday

625

Muqdiaho – Guddoomiyaha Golaha shacabka Dowladda Soomaaliya mudane Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Suudaan ayaa heshiis wada shaqeyn Labada Baarlamaan ku kala saxiixday Caasimada dalka Suudaan ee Khartuum.

Heshiiska ay wada saxiixdeen Gudoomiyaha golaha shacabka ee JFS iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka ee Jamhuuriyadda Suudaan ayaa ku saleysan wada shaqeynta labada Dowladooda ee Soomaaliya iyo Suudaan gaar ahaan labada Baarlamaan.

Qodobada labada Gudoomiye ay ku heshiiyeen ayaa waxaa ka mid ah in labada dhinac ay is dhaafsdaan qubaro dhinaca sharciga, in ay xiriir iyo iskaashi gaar ah yeeshaan xubnaha labada Baarlamaan u matalaya baarlamaanada aduunka iyo sidoo kale in dhinaca aqoonta la iska kaashado.

=========
E-Mail:Mᴇᴅɪᴀ-Cᴏᴍ@ᴘᴀʀʟɪᴀᴍᴇɴᴛ.ɢᴏᴠ.sᴏ
Fᴇᴄᴇʙᴏᴏᴋ: Gᴏʟᴀʜᴀ Sʜᴀᴄᴀʙᴋᴀ JFS
Twitter:@Golaha_Shack_JFS

SHARE