Muqdisho — Shir aan caadi ahayn oo ay Golaha Wasiirradu Xukuumadda Federaalka Soomaaliya maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho ayay ku ansixiyeen oggolaanshaha heshiiska ay Norway ku caawineyso deyn-cafinta Soomaaliya.
Dowladda Norway ayaa bixineysa lacag gaareysa $400 milyan oo doollar oo ah qaanta Bangiga Adduunku ku leeyahay Soomaaliya.
Sidoo kale Dowladaha Ingiriiska iyo Talyaaniga ayaa bixinaya ammaahda ay Soomaaliya ku leeyihiin Hey’adda Lacagta Adduunka iyo Bangiga Horumarinta Afrika.
Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii hey’adaha maaliyadda adduunka iyo dowladaha deymaha ku leh Soomaaliya ay ku qanceen dib-u-habaynta dowladda Soomaaliya ay ku sameysay hay’adaheeda maaliyadeed saddexdii sano ee la soo dhaafay.
Hay’adda lacagta adduunka, Bangiga Adduunka iyo Bangiga Horumarinta Afrika ee ayaa la filayaa in todobaadyada soo socda ay ku dhawaaqaan in deynta laga cafiyay Soomaaliya, taas oo bog cusub u fureysa horumarka dhaqaalaha Soomaaliya.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal dheer ugu jirta sidii looga cafin lahaa deymaha faraha badan ee Soomaaliya ku leeyihiin dalal iyo Hey’addaha dhaqaalah Adduunka.