Golaha Wasiirrada oo ansixiyay ku talagalka Miisaaniyadda dowladda ee 2021

584

Muqdisho – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maabta shir guddoomiyay kulanka toddobadleha ah ee Golaha Wasiirradda.

Kulanka ayaa looga hadlay arrimo dhawr ah oo mudnaan gaar ah u leh barnaamijka Xukuumadda Federaalka, sida Doorashooyinka, amniga, Miisaaniyadda iyo hawlaha kale ee muhiimka u ah.

Kulanka ayaa lagu ansixiyay sharci ahaanta dhammaan sharciyaddii ay meelmariyeen Golahii Wasiirrada ee Xukuumaddii xil gaarsiinta.

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaas sidoo kale meel mariyey ku talagalka Miisaaniyad sanaddeedka dowladda ee sanadka 2021 oo ay qeyb ka tahay qarashka Doorashooyinka dalka ee 2020/2021.

Ku talagalka Miisaaniyadda guud ee dowladda ee sanadkaan 2021 ayaa gaaraysa 671.8 milyan oo doollar. Miisaaniyadda ayaa waxaa ku lifaaqan oo qeyb ka ah qarashaadka Doorashooyinka dalka la filayo in ay ka dhacaan. Miisaaniyadda ayaa u qeybsanta saddex qeybood oo kala ah, dakhliga gudaha, kabka Miisaaniyadda iyo Mashaariicda.