Muqdisho – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa guddoomiyay shirka Golaha wasiirrada oo maanta si aqlabiyad leh loogu ansixiyay ku noqoshada Miisaaniyadda sanadka 2020 oo dib loogu noqday.
Guud ahaan kharashka Miisaaniyadda dowladda oo dhan 646.9 milyan oo doollar ayaa ka kooban kharashaad mashaariic iyo kharashaad howl fulineed, waxayna kala yihiin; Kharashaadka mashaariicda oo korordhay $40.9 milyan, halka Kharashaadka howl fulinta dowladda ay ku korortay $129.9 milyan.
Kororkan kharashaadka ayaa loo adeegsanayaa la taacaaliidaa safmarka cudurka Covid19, Doorashooyinka, daadadka iyo xaaladaha bini’aadamnimo ee dalka la soo dersada, sida Xukuumaddu sheegtay.
Dakhliga guud ee dowladda ayaa hoos u dhacay sababo la xiriira xaaladaha Corona Fayras iyada oo la qiyaasay in ku dhowaad $67 milyan oo la odorosayay in ay dakhilaga gudaha ka soo xerooto ay meesha ka baxayso, balse maadaama dalka deynta laga cafiyay waxa uu helayaa kaalmo toos ah, taas oo buuxineysa hoos u dhaca dakhliga gudaha.
Kabka Miisaaniyaddan dowladda oo ah dhammaan dalka oo idil ayaa laga helayaa Bankiga Adduunka. taas oo ka dhalatay go’aankii deyn cafinta (Barta go’aan qaadashada) Soomaaliya oo ku soo beegmay xilli ay Soomaaliya aad ugu baahnayad.