Golaha wasiiradda Puntland oo la ansixiyay

607

Garowe – Golaha wasiiradda dowlad Goboleedka Puntland ee dhawaan uu magacaabay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa maanta la ansixiyay.

Golaha wakiilada Puntland oo maanta magaalada Garoowe ku yeeshay kalfadhigoodii 43-aad ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Xukuumadda madaxweyne Deni uu dhawaan soo dhisay.

Golaha Wasiiradda Puntland ayaa waxa codka kalsooni siiyay 63 mundane, iyadoo sidoo kalena Golaha wakiilada ay ansixiyeen qorshaha Xukuumadda ee madaxweyne ee 5 sanno ee soo socota.

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa dhawaan magacaabay Gole Wasiirro oo ka kooban 18 xubnood, ku xigeeno iyo wasiirro dowlayaal.