Golaha Wasiiradda oo ansixiyay Miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2019-ka

634

Muqdisho  (UM) – Golaha Wasiiradda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ka doodday Miisaaniyadda. Wasaaradda Maaliyadda ayaa Xukumadda horgeeysay Miisaaniyadda Qaranka ee Sanadka Soo socda 2019-2020. Golaha Wasiiradda ayaa dood dheer kaddib meel mariyay Miisaaniyadda dowladda oo gaaraysa 340 milyan oo doollar.

Miisaaniyadda dowladda ayaa aad uga badan Miisaaniyadda dowladda ee sanadkii hore oo intaan Ka yarayd.

 

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali kheyre oo kulanka shir guudoominayay ayaa sheegay in korar Miisaaniyadda ay sabab u tahay dib u habaynta dhaqaale iyo Maaliyadeed iyo dakhliga gudaha oo kordhay ay sabab u tahay.

Miisaaniyadda dowladda ee Golaha Wasiiradda maanta ansixiyeen ayaa sidoo kale la filayaa in la horgeeyo Golaha Shacabka si ay dood uga yeesheen.