Golaha Wasiiradda oo ansixiyay labo Hindise sharciyeed

66

Muqdisho – Waxaa maanta kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho Golaha Wasiiradda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Shirka Golaha Wasiiradda oo uu shir guddoominyay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa lagu ansixiyay labo shirci oo kala ah hindise sharciyeedka marista Waddooyinka iyo sharciyeedka xamuulka iyo xadaynta cabbirka baabuurta.

Hindise sharciyeedka maanta Xukuumaddu ansixisay ayaa waxaa soo gudbiyay wasaaradda howlaha guud, iyo dib-u-dhiska ayaa muhiim u ah hannaanka marista waddooyinka dalka iyo xamuulka gaadiidka.

Shirka Golaha Wasiiradda ayaa sidoo kale maanta lagu ansixiyay Muxidiin Maxamed Kaalmooy, Xasan Daahir Dhibil, Xasan Xundubey Jimcaale, Maxamed Isxaaq Ibraahim iyo Maxamed Cali Mire oo dhawaan safiiro loo magacaabay.

SHARE