Golaha Wasiiradda oo ansixiyay Hindise sharciyeedka maamulka dakhliga

594

Muqdisho (UM) – Golaha wasiiradda Xukuumadda Fedeeaalka Soomaaliya ayaa maanta shirkii ugu dambeeyay ee sannadka 2018 ku yeeshay magaalada Muqdisho kaasi oo looga hadlay waxyabihii u qabsoomay Xukuumadda sanadkaan dhammaanaya ee 2018-ka.

Kulankaan oo uu shir gudoominyay Ra’iiusl Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa sidoo kale looga hadlay isla xisaabtanka iyo dib u eegista hawlaha u yaalla Xukuumadda sanadka 2019.

Golaha wasiirrada ayaa sidoo kale ansixiyay Hindise sharciyeedka maamulka dakhliga, iyadoona dibna loogu eegay wax-qabadka Tubaha afarta ah ee ay ku salaysan tahay hawl maalmeedka Xukuumadda Federaalka dowladda Soomaaliya.

Shirkaan ayaa waxaa ka qeybgalay inta badan Wasiiradda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Agaasimiyaasha guud ee wasaaradaha iyo hawl wadeennada Xukuumadda.