Muqdisho (UM) – Waxaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho shirka Golaha Wasiiradda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Shirka Golaha Wasiiradda oo ay ka soo ay inta badan ka ka soo qeybgaleen Wasiiradda ayaa lagu ansixiyay heshiis tababarada ciidamada ee u dhaxeeya Turkiga iyo Soomaaliya kaasi oo ay horrey u kala saxiixdeen.
Kulanka Golaha Wasiiradda oo shir Guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa sidoo kale looga hadlay arrimaha dib eegiista dastuurka, hannaanka deyn cafiska Soomaaliya iyo qorshayaasha tubaha Qaranka oo amniga iyo caddaaladda qeyb ka tahay.
Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa kulanka kaddib ku booriyay xubnaha Golaha Wasiiradda dardargelinta hawlaha Xukuumadda Federaalka iyadoo la raacayo tubaha Qaranka.