Golaha Wasiiradda oo ansixiyay Guddiga Farsamada ee loo magacaabay ka talla bixinta arrimaha Doorashooyinka

515

Muqdisho – Golaha wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay xubnaha guddiga farsamada heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed kuwaasi ka soo talla bixin doono ku aadan hannaanka Doorashooyinka dalka.

Qodobka 5aad ee war-murtiyeedkii shirka Dhuusamareeb 2 oo ay ka qayb galeen madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad Gobaleedyada ayaa lagu go’aamiyay sameynta guddi farsamo oo ka baaraan dega talooyin la xiriira hannaanka iyo habsami u socodka doorashooyinka dalka.

Xubnaha guddiga oo golohu sida aqlabiyadda leh ku meel mariyay ayaa ka kooban 16 xuboon oo lix kamid ah ay ka imaanayaan dowladda Fderaalka iyo maamulka Gobalka Banaadir iyo 10 xubnood oo dowlad gobaleedhada min laba uga imaanaya.

Xukuumadda ayaa fartay xubnaha guddiga in shaqada loo igmaday ay si degdeg ah u guda galaan si looga mira dhaliyo dadaallada doorashooyinka dalka.

Madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad gobaleedyada ayaa ku ballansan shir kale oo ka dhaca Dhuusamareeb kaas oo lagu dhammeystirayo geedi socodka doorashooyinka dalka.