Dhuusamareeb – Waxaa maanta magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad Goboleedka Galmudug kulankii ugu horreyay ku yeeshay Golaha Wasiiradda maamulka Galmudug ee dhawaan la soo dhisay.
Shirka Golaha Wasiiradda Galmudug ayaa waxaa shir Guddoominayay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor).
Shirka ayaa looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin amniga guud ee Galmudug halka uu marayo iyo sidii loo xoojin lahaa Amniga deegaanada Galmudug.
Xukuumadda cusub ee Galmudug ee dhawaan uu soo dhisay Axmed Qoorqoor ayaa shalay waxaa ansixiyay Baarlamaanka Galmudug iyadoo sidoo kalena isla shalay la dhaariyay Wasaaradda.