Golaha wasiirada oo magacaabay Taliyaasha Booliiska iyo Nabad Sugidda

759

Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa goor dhow magacaabay Taliyeyaasha Booliska, Nabad Sugidda iyo Asluubta Soomaaliya, kadib kulan deg deg ah oo ay ku yeesheen magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Shirka Golaha Wasiirada oo looga hadlay arrimo dhowr ah ayaa waxaa qodobada maanta sida weyn loo hadal hayay waxa ay ahaayeen magacaabista Taliyeyaasha.

Wasiirka amniga iyo Wasiirka Cadaaladda ayaa Shirka gaarka ah ee Golaha Wasiirada Soomaaliya waxa ay ka soo jeediyeen magacaabistaan xubnahan, iyadoo Golaha Wasiirada ay isku raaceen.

Shirka Golaha Wasiirada Soomaaliya, kadib waxaa warbaahinta la hadlay Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, kaasi oo faah faahiyay waxyaabihii looga hadlay kulanka.

Wuxuu sheegay Golaha Wasiirada kadib falanqeyn iyo wadatashi dheer in ay magacaabeen ilaa Saddex Taliye oo kala ah Bashiir Axmed Maxamed Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya, Xuseen Cusmaan Xuseen Taliyaha Nabad Sugidda Soomaaliya iyo Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe).

Bashiir Axmed Maxamed ayaa hada ahaa Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya, sidoo kale Xuseen Cusmaan Xuseen oo loo magacaabay Taliyaha NISA ayaa hada ah Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka.

Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) ayaa wuxuu ahaa La Taliyaha dhinaca arrimaha Ciidamada Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo).

Xilalka Taliyeyaasha Nabad Sugidda iyo Booliska ayaa banaanaa tan iyo Bishii October 2017-kii, waxaa sii hayay ilaa xilligaasi ku xigeenada labada Hay’adood.