Shirkii caadiga ahaa ee Golaha Wasiirada ee Xukuumada Dawladda Federaalka Soomaaliya maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.
Shirka ay yeesheen Golaha wasiirada waxaa shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Xasan Cali Khayre waxaana looga hadlay arrimaha amniga, Qaraxii ka dhacay General Kaahiye, heshiis Wasaaradda Maaliyadda ay ku soo gashay Nairobi, Tartanka Ciyaaraha Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir iyo arrimo kale.
Kualanka ayaa intii uu socday waxaa warbixino looga dhageystay qaar ka tirsan Wasiirada Xukuumadda Federaalka, kuwaasi oo ka hadlay halka ay marayaan howlaha Wasaaradahooda.
Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa marka hore ka tacsiyadeeyay dhibaatadii saakay ka dhacday Dugsiga Tababarka General Kaahiye, halkaasi oo uu isku qarxiyay nin ku soo labistay dharka Ciidanka, waxayna Golaha Wasiirada Askartii ku geeryootay Alle uga baryeen in Janadii Fardowsa uu ka waraabiyo, halka kuwii ku dhaawacmayna ay u rajeeyeen caafimaad deg deg ah, Qaraxaasi waxaa ku geeryootay 17 Askari, sidoo kale waxaa dhaawac uu ka soo gaaray 17 kale.
Sidoo kale Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa sheegay in maanta la baajiyay cayaartii dhexmari laheyd kooxaha Jubbaland iyo Galmudug, iyaga oo tilmaamay in dhibaatada lala qeybsanayo qoysaska ay dhibaatada soo gaartay.
Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya C/laahi Xaamud oo kulanka kadib la hadlay warbaahinta ayaa sheegay Hay’adaha ammaanka in ay aqoonsadeen ninkii isku qarxiyay xerada Gen. Kaahiye, wixii kalena dib laga soo sheegi doono.